Kim Jong Un: Awood ayaan U leenahay In Mareykanka Aan Niyukleer ku Garaacno.

Hargeysa(Toggaherer)-Kim Jong Un: Awood ayaan U leenahay In Mareykanka Aan Niyukleer ku Garaacno.

Waxa uu intaa ku daray in uu mar waliba keebka laga rido Niyukleerka uu miiskiisa saaran yahay.

Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadalkiisa uu xaqiiqo yahay oo aysan hanjabaad ahayn.

Kim Jong Un

Mr Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aysan awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi.

Balse waxa uu sheegay in Niyukleerka ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii ammaankooda qalal la galiyo.

Xilli uu jeedinayay fariin telefashinka laga baahiyay oo sanadka cusub uu ugu talagalay ayuu Kim Jong Un waxa uu sidoo kale carabak ku dhuftay hadal nabadeed ,waxa uuna sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan Kuuriyada Koonfureed.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ergo uu u diri doono ciyaaraha Olambiga ee xagaaga lagu qaban doono Pyongchang -taasi oo horey ay Kuuriyada koonfureed u sheegtay in ay gacan ka gaysan karto dajinta xiisada gacanka Kuuriya.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso