Ururka Bristol Somali Interactive Media Association (BSIMA), Oo Shaahadooyin Gudoonsiyey Qaar Kamid Ah Hormoodka Jaaliyada Soomaalida Bristol Uk ( Bristol Community Award 2017) .

Waxaan Habeenimadii Xalaytoole Kadhacday Bristol UK Munaasibad Balaadhan Oo Ururka Bristol Somali Interactive Media Association(BSIMA) Uu Shahaado Sharafeed Ku Gudoonsiyey Qaar Kamid Ah Hormoodka Jaaliyada Somalida Ee Dhaqan Magaalada Bristol UK.

Munaasibadan Oo Ahayd Mid Dhiirigalin Ah Bulshada Dadka U Adeega Had Iyo Jeer Waxqabadkooda Kaalin Mugtaleh Ee Ay Bulshada Kaga Jiraan Iyo Taabogalinta Adeegyada Bulshada.

Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Gudoomiyaha Ururka Bristol Somnali Interactvie Media Assocaition
Cabdi Baaruud [Cabdi Xarago]. Oo Aad Ugu Mahadceliyay Dhamaan Dadkii Kasoqaybgalay Munaasibadasi Lagu Gudoosinayey Abaalmarinta Sanad Ka 2017 Ee Bulshada, Community Award Bristol 2017.

Dadka Hadiyo Jeer Isku Xilqaama U Adeegida Baahiyaha Bulshadooda,Sidoo kale Dhamaan Dadkii Ka soo qaybgalay Ayaa Aad Iyo Aad U soo dhaweeyey Sida Sharafta Milgaha Iyo Maamuska leh Ee Ururkani Bristol Somali Interactive Media Assocaition U Dhiirigalinaayo Bulshada Kalad uwan Ee Ku Nool
Bristol UK.

Advertisement

Ku Xayeysiiso