HAANI GUNTAY KA TOLONTAA.

Adoon boon kasheekayn

Ama boodin leexada

Ama baddaha waawayn

Nafta aan ku biimayn

Barashada dhulkaagaa

Horta laga bogtaayoo

Baryo laysku hawlaa

(hadraawi)

Arday  aan aqoon u lahayn dhulkiisa hooyo oo lagu ababiyey af shisheeye,waa ayaan darada taagan!!

Halkii uu baranlahaa cimilada ,xiliyada roobka ,xiliyada abaaraha iyo barwaaqada, oogada sare iyo  badaha kuwareegsan dalkiisa, saw ayaan daramaaha in dugsiyada hoose iyo sare ee dalka loogu dhigo muuqaalka dhuleed iyo cimileed ee wadamo kale iska leeyihiin, sida Kenya, sudan , Saudi Arabia , yurub iyo wadamo kale .

Saw jahawareer aqooneed  kuma aha ubadkeena  manaahijta shisheeye ee aan waafaqsanayn dalkooda hooyo .

Soomaalidaa tidhaa haani guntay katolantaaye, hadaan habawga aqooneed looga gargaarin umada  (wallee waxbaa kasoo higleh)

QOREE: eng maxamed cismaan xaashi

EMAIL: enghashi@hotmail.com

Hargeisa somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso