War-saxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan,danyarta dulman ee dayactirka u baahan,Iyo shacabka Somaliland ee dulqaadka

War-saxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland

ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan,danyarta dulman ee dayactirka u baahan,Iyo shacabka Somaliland ee dulqaadka muujiyey iyo qodobbo kale,hawada,xuutiyiinta

Bismillaahi Arramanirraxeem.

Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

 

Ummad waliba waxaa ay samaystaan maammul ay u simanyihiin oo u ilaaliya dalkooda iyo dadkiisa kana difaaca cadawgooda.

Maamulka wanaagsan ama dawlad waxaa lagu gartaa ilaalinta dadkooda jilicsan ee daryeelka uga u baahan haddii uu ka leexdo maammulkaasi  caddaaladda iyo simmidda xaqa muwaadiniinta waxaa uu la kulmaa inta badan mucaaridad xooggan oo xagga Allah uga timaadda una diidda  joog iyo jiif waajibka ugu badan dawladda wuxuu ka saaranyahay bulshada inta jilicsan ee loo bixiyey barakacayaasha lama arag bulsho dalkooda joogta oo barakac lagu sheego waxaa habboon in xil waafiya la iska saaro bulshada inta aan awoodin in ay maareeyaan nololmaalmeedkooda laguna soo celiyo cashuurta  ay ahayd in cashuur dhaaf loo sameeyo

Waxaa inta badan dhacda in bulshada aan danyarta ahayn si gaara loo ilaaliyo taasina waa ta keenta in uu bilaabmo buuq joogto ah oo masuulku miciinsado difaaca kursiga kuna dhammaysto xilka dhibaato iyo warawar aan kala go,layhayn.

Shacaka Somaliland iyo shacabka yaman.

Waxaa ka dhexeeya wada dhalasho ixtiraam iyo walaalnimo soo jireen ah waxaynu ognay sida kalgacalka badnayn ee ay bulshada ama dalka Somaliland  albaabka ugu fureen dadkii qaxootiga ahaa reer yamaneed  oo aan wax shuruud ah lagu xidhin oo ay si xor ah u deggenyihiin si ahaantaas uma baahna  labada shacab in dhibaato ka dhex abuuranto.

Hawada dalka Somaliland

Somaliland waa dal nabadda jecel una diyaar ah ilaalinta xuduudaha dawladaha la jaarka ah looma baahna in lagu kallifo wax dhaawacaya walaanimada labada dalka  ee xuduuhu ka dhexeeyaan waxaa wanaagsan in lagu xaqdhawro.

Saxaafadda iyo dawladda

Waa laga maarmaan in ay wada shaqayn dhow wada lahaadaan.

Waxaanu talo ku soo jeedin lahayn qodobbadan hoose.

 

1.      In si gaara isha loogu hayo bulshada inta jilicsan ee aynu soo sheegnay gaarahaan naafada loo qoro gunno ay qaataan.

2.      In hooyada bacadka fadhida laga dhawro wixii dhibaaya.

3.      In dhallinyarada loo fudaydiyo waxbarashdooda iyo goobo ay wakhtigooda ku qaataan.

4.      In shir loo qabto beelaha reer Somaliland ee walaaha ah si loo soo celiyo kalsoonidii luntay.

5.      In culimada reer Somaliland talada dalka wax laga wadiiyo si ay uga qaybqaataan xallinteeda haddiba ay wax adkaadaan.

6.      Haddii bulshada inteeda danyarta ah loo garaagaro waxaa iman doonta deggenaasho dalku dareemo

7.      In la badiyo baryada ilaahay  .

8.      In la tayeeyo wasaaradda horumarinta biyaha oo wasiirku mudane Saleban Cali koore in uu awoodda saaro abaaraha soo noqnoqanaya sidii xoolaha dalka iyo dadkaba loo badbaadin lahaa,dhulka Somaliland wuxuu hodan ku yahay biyaha laakiin caqligii lagu qaban lahaa biyo qabatinno ayaa loo baahanahanyahay, si gaarana caasimadda Somaliland biyaha la wada gaadhsiiyo.

9.      Shacabka reer Somaliland  ee gobta ah waxay la dhibaatasnyihiin warshadaaha dabka oo laga qaado wax aad iyo aad ugu culus kaas laydhku ku qaali yahay.

10.  Tayeynta caafimaadka in shacabka loo fudaydiyo goobaha caafimaadka.

11.  Dawladda Somaliland waxaa la gudboon in ay ilaaliso xuduudaha ,sida Barriga ,Badda iyo hawada

 

Haddii aad doonayso in lagu jeclaado u gargaar danyarta

Haddii aad doonayso raaxo dadka jilicsan gacan u fidi.

Siyaasi kursi  doonaya yaanu  gurigaaga iyo dalkaaga dumin.

Qabiilkaaga kama ga,aysida qarankaaga qiima u yeel.

Muwaadinka dalku idinka dhexeeyo u hiili

Alaaha yaa mahad oo dhan leh.

Deeq Cabdi Digale

Attachments area

Click here to ReplyReply to all, or Forward

2.5 GB (16%) of 15 GB used

Manage

Terms – Privacy

Last account activity: 0 minutes ago

Details

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso