Arooska Wiil 12 jir ah iyo aroosadda 16-jir ah oo Arooskoodu ka Abuuray Masar Muran iyo Dood!!!


Guurka laba caruur ah ee Fayoum koonfur-galbeed Qaahira ayaa muran badan ka dhex keentay Bulshada reer Masar iyaga oo Baraha Bulshada kaga doodaya.

Dhacdadan ayaa dhacday laba maalmood ka hor Wiilka Axmed Shacban Eid ayaa aroosay xaaskiisa oo ka weyn 4 sano, taas oo xadgudub ku ah sharciyada Masar kaas oo reebaya guurka caruurta, waxaana shardi ah si uu guurku u dhamaystirmo in caruusiintu gaadhaan da`da 18 sano jirka.

Dadka tuuladu waxay difaaceen wixii dhacay sababtoo ah Caruuska ayaa ah wiilka kaliya ee waalidkiis dhaleen halka ay leeyihiin hablo badan taas ayaana keentay in ay wiilkooda oo da’da yar ugu guuriyaan.

Dhacdadan ayaa waxay dhalisay in la furo dacwad loogu talagalay maxkamadeynta labada qoys.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso