Hiigsiga Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Guulihii Ra’iisal Wasaarihii Malaayshiya (Tunku Abdul Rahman) Labo Isku Lamaan- Qeybtii 3-Aad

Bismilaahi
Qormooyinka taxanaha ah ee aan ciwaanka uga dhigey Hiigsiga Madaxweyne Muuse Biixi qormadii 2-aad waxay inoo joogtay Wadanka Singapore iyo Madaxweynihii ku hogaamiyey jidka horumarka kana dhigay in Singapore ay noqoto wadamada ugu dhaqaalaha badan uguna qanisan dunida.
Qormooyinkan Taxanaha ah qeybta 3-aad waxaynu diirada saaraynaa Wadanka Malaysia iyo Ra’iisal Wasaare Tunki Abdul Rahman oo ahaa hogaamiyihii Malaysia ku hogaamiyey jidka horumarka kana dhigay in Malaysia ay ka mid noqoto wadamada ugu dhaqaalaha badan uguna qanisan qaarada Asia iyo caalamkaba.
Malaysia waa boqortooyo dastuuri ah oo ku taala Koonfurta Aasiya. Waxay ka kooban tahay saddex iyo toban gobol iyo saddex dhulal fedaraal ah oo leh dhul cabirkiisu yahay 330,803 square kilomitir (127,720 sq mi)
Malaysia waxa ay xuduudo la leedahay Thailand oo ka xigta jihada waqooyi, koonfurtana waxa ka xiga Singapore, Vietnam ayaa iyaduna dhinaca waqooyi-bari ka xigta  iyo Indonesia oo galbeed kaga toosan. Caasimaddu waa Kuala Lumpur, halka Putrajaya uu yahay kursiga dawladda federaalka. Iyada oo dadka ku nool lagu qiyaaso dad ka badan 30 milyan.
Malaysia waxay lahayd asal ahaan nidaam boqortooyo qarnigii 18aad, waxa ay noqdeen kuwo ku xiran Boqortooyada Ingiriiska. Dhulkii ugu horeeyay ee Ingiriiska ah waxaa loo yaqaanaa Degsiimada Straits, oo la aasaasay Boqortooyadii Reer Carbeed oo noqotey difaaca Ingiriiska. Malaysia waxaa lagu magacaabay Malahan Union sanadkii 1946-kii. 1948 Malaysia ayaa  dib loogu qaabeeyey nidaam Federaaliisam, waxaanay xorowday 31-kii Agoosto 1957. Waxaanay midoobeen waqooyiga Borneo, Sarawak, iyo Singapore 16-kii September 1963 si ay u noqdaan Malaysia. In ka yar labo sanno ka dib 1965-kii, Singapore ayaa laga eryay federaalka. Waddanku waa jinsiyado kala duwan iyo dhaqamo kala duwan, oo kaalin weyn ka ciyaara siyaasadda. Qiyaastii nuska dadku waa qowmiyadaha Malay.
Dastuurka wadanku wuxuu bixiyaa xorriyadda diinta laakiin wuxuu aqoonsadaa Islaamka oo keliya. Nadaamka dawlada waxaa si weyn loogu qaabeeyey hab baarlamaani ah Westminster Luqadda rasmiga ah ee waddanku waa Bahasa Melayu ama loo yaqaan luqadda Malaysia. Ingiriisiga ayaa ah luqada labaad ee dalka.
Tan iyo markii madax-bannaanida, Malaysia waxay kaalmaha hore ka gashay diiwaanka dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan qaarada Aasiya, iyada oo korodhka dhaqaaluhu uu sii kordhayey celcelis ahaan 6.5% sannadkii. Dhaqaalaha ayaa si caadi ah u kobcayay waxaana dhaqaalaha ugu badan kasoo galaan dalxiiska, ganacsiga iyo caafimaadka. Muwaadiniintooda waxa la siiya waxbarasho bilaasha oo ah ilaa heerka waxbarashada sare iyo khidmadaha waxbarashada heerka jaamacadeed waxa laga kabaa boqolkiiba 90%. Adeegyada daryeelka caafimaadka aasaasiga ah ee muwaadiniintu ayaa iyagun ah adeeg lacag la,aan ah. Malaysia Adeegyadeeda daryeelka caafimaadka ayaa loo tixgeliyey in ay tahay mid ka mid ah kuwa adduunka ugu fiican, Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay waxay nidaamka daryeelka caafimaad ee Malaysia ku tilmaameen “mid tusaale u ah wadamada kale ee soo koraya”
Horumarka degdegga ah ee Malaysia ayaa soo jiidatay malaayiin shaqaale soogalooti ah oo ka yimid Aasiya sanadihii la soo dhaafay. Maanta, Malaysia waxay leedahay dhaqaale cusub oo warshadaysan, waxaanay kaalinta 4aad kaga jirtaa wadamada qaarada Aasiya ugu maaliyada badan sidoo kale kaalinta 38aad ka gashay wadamada adduunka ugu dhaqaalaha badan. Waxay xubin muhiim ah ka tahay Ururka Iskaashiga Koonfur-Galbeed ee Aasia iyo Ururka Iskaashiga Islaamka. Malaysia sidoo kale muwaadiniinteedu waxay haysteen fiiso la’aan ama fiiso soo gelitaan ah 164 waddan oo aduunka ah, waxaanay ku jirtaa 5-ta dal ee baasabooradoodu ugu badan yihiin aduunka.
1963-kii Tunka Abdul Rahman, Wuxuu noqday Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyey ee ay yeelato Malaysia isagoo xukunka hayey mudo 13-sano waxa uu wadankiisa ku hogaamiyey in ay noqoto wadamada qaarada Aasia iyo caalamka ugu horumarsan.
Mr.Tunka waxa cimrigiisu ahaa markii uu geeriyooday  87-jir waxaanu dhashay bishii February 8, 1903, waxaanu  geeriyooday 1990-kii), Mr. Tunka Waxa uu ahaa nin aad u dabacsan, oo naxariis badan, oo noloshiisa oo dhan maalin kasta ehel u ahaa akhriska Quraan-ka.
Haddaba Mr.Tunka ayey shacabka Malaysia ku sharfaan in uu ahaa hogaamiyihii dhaliyey xornimada wadanka oo mustacmarad guumeysi u ahayd ingiriika. 1951-kii ayuu aasaasay UMNO oo ahaa ururk u dhaqdhaqaaqa xornimo u dirirka wadanka kaas oo uu gudoomiye ka noqday, 1954-kiina wuxuu bilaabay olilihii xornimo doonka ugu dambayntiina Bishii juun 1956, Tunka Abdul Rahman, iyo wafti uu hoggaaninaayey ayaa u amba baxay London si ay ugala soo xaajoodaan madaxbannaanida Malaani, aakhirkiina wuxuu ku guuleystay in ay madaxbanaani helaan Malaya, Singapore, Sabah, iyo Sarawak oo noqday hal dal, oo la aasaasay 1963-kii), ila sanadkaas 30-kii Agoosto, wuxuu calanka wadankiisa ka taagay Kuala Lumpur.
Ra’iisal wasaare Tunku waxa uu ku guuleystay in uu kasbado kalsoonida muwaadiniin aaminsan diimo kala duwan wuxuuna awooday inuu ku socdo khadka u dhexeeya labada diimood isla markaana uu ku guuleystey kalsoonida labadaba. Waxa uu calaamad u noqday xiriirka siyaasadeed ee Shiinaha iyo Bakistaan, waxaana loo yaqaanay isugeyntiisa iyo karti-u-qaadista dadka hogaamiyeyaasha dhagaystayaasha ah oo si fudud loola hadlo.
Haddii aad tagto Koonfur Afrika ama Hindiya, waxaad arki doontaa in Nelson Mandela ama Mahatma Gandhi ay weli aad ugu nool yihiin qalbiyada iyo maskaxda dadka. Tunka Abdul Rahman ayaa isaguna ah mid ku dhex nool qalbiyada iyo maskaxaha shacabka Malaysia.
Haddaba guulahaa taariikhda wanaagsan ee lagu xasuusto Ra’iisal wasaarihii hore ee Malaysia Tunka Abdul Rahman taas oo ku mutaystey hogaaminta wanaagsan ee ku maamulay wadankiisa fikrad ahaan waa kuwo aad ugu dhow guulaha uu doonayo in madaxweyne muuse biixi taariikhda ku galo waxaana taas ku iftiimineysa qaabka uu usoo dhisay golihiisa wasiirada oo ay badankoogu yihiin rag waayo aragnimo iyo khibrad aqooneed u leh xilalka loo magacaabay boosaskii ay ku haboonayeena loo dhiibay (RIGHT PERSON RIGHT POSITION).
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa aaminsan in Somaliland ay ka gudubtay wakhtigii madaxdhaqameedku ka arimin jireen arimaha la xidhiidha siyaasadda dawlada uu soo dhisayna aaney wax talo ah ku lahayn. Mar uu hadal ka jeedinaayey kulan aqoon isweydaarsi ah oo uu u qabtay golihiisa cusub ee wasiirada ayaa waxa uu yidhi “ Aniga reer ima dooran oo qarankoo dhanbaa I doortay , reer I sheegan karaana ma jiro, wasiirada halkan gadhiyana nina oday iyo caaqiltoona iima keeninee codkii umada ee la ii dhiibay uunbaan idinku magacaabay, waanaad ka nasiib badan tihiin nin oday iyo reer u mano sheeganayaan oo odhanayaan waa tii aanu hebel iyo hebel kaa reebnay”, dhawaaqa kasoo yeedhay Madaxweyne Biixi waa kuwo inoo cadaynaya in hiigsiguusa yahay in uu badalo wadan yar oo aan aqoonsani caalami ah haysan.
La Soco qormadda Xigta…………….

Qalinkii:- Ciise Cali Haybe
Email:=  wacays_16@hotmail.com
Telephone:- +252 634444153
Berbera/Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso