Daawo: Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Degdeg ah la yeeshay Saneter Cabdi Qayb Diid Cawaale Oo shalay Ciidamada Milatarigu Weerareen Kana Raali Galiyey Weerarkaas oo uu ku sheegay mid sharci darro ah .

Daawo: Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Degdeg ah la yeeshay Saneter Cabdi Qayb Diid Cawaale  Oo shalay Ciidamada Milatarigu Weerareen Kana Raali Galiyey Weerarkaas oo uu ku sheegay mid sharci darro ah .

 

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu la kulmay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shalay ciidamo katirsan Milatariga gurigiisa weerareen.

Madaxweynaha ayaa ka wareestay Cabdi Qeybdiid sida uu u dhacay weerarkii shalay gurigiisa lagu qaaday, waxa uuna Madaxweynaha ka raali galiyay Senarorka weerarkii sharci darada ahaa ee gurigiisa lagu qaaday.

Senator Cabdi Qeybdiid ayaa Madaxweynaha u sheegay in gurigiisa lagu xad gubay loona geestay dhibaato xoogan, waxa uuna Senatorka nasiib daro ku tilmaamay in ciidamo dowlada ay sidaas u dhaqmaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay Cabdi Qeybdiid in baaritaano rasmi ah lagu sameenayo weerarka gurigiisa lagu qaaday talaabo adagna laga qaadi doono cid kasta oo weerarkaasi ku lug yeelata.

Waxa uuna Madaxweynaha ka codsaday Cabdi Qeybdiid in xiisada siyaasadeed la dajiyo lagana war sugo naiijada baaritaanada lagu sameenayo weerarkii lagu qaaday guriga Qeybdiid.

Kulanka ay wada qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Senator Cabdi Qeybdiid ayaa kusoo aadaya xili shalay guriga Senatorka weerar ku qaadeen Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ay tababareen dowlada Imaaraatka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso