Daawo: Ciidamada Maamulka Jubbaland Oo Gacanta ku dhigay Walxo kuwa Qarax ah oo Lagu sii Waday Dalka Kenya

Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay qarax miino oo la sheegay in loo waday Gudaha dalka Kenya, waxaana qaraxan lagu qabtay Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Wasaarada Amniga maamulka Jubbaland ayaa shaacisay howlgal ay ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ka fuliyeen duleedka Degmada Balad Xaawo in ay ku qabteen qarax loo waday dhinaca Kenya.

C/Rashiid Xasan Nuur Janan Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada maanta qabteen qarax miino uu sheegay in loo waday gudaha Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.

Miinada ay qabteen ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa Warbaahinta loo soo bandhigay, waxaana goobta lagu soo bandhigayay miinadan ku sugnaa Wasiirada Amniga iyo Gudaha maamulka Jubbaland.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso