Banaanbax ka Dhan Ah Kabila Oo la kala Eryey.

Hargeysa(Toggaherer)-Banaanbax ka Dhan Ah Kabila Oo la kala Eryey.

Ciidanka amniga ee Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Koongo ayaa gaaska dadka ka imaysiiya ku kala eryey dad banaanabax ka samayanayey magaalada caasimadda ah ee Kinshasa, kuwaasoo doonayey in madaxweyne Joseph Kabila uu xukunka ka dego.

Gaari gaashaaman oo boolisku leeyahay oo wadooyinka Kinshasa ilaalinaya

Maamulayaashu waxay sheegeen in banaanbaxaas uu yahay mid aan ruqsad loo haysan.

Isku dhacyada ayaa ka dhacay dibadda kaniisadda degmada bandalungwa ee Kinshasa, halkaasoo banaanbaxayaasha ay qorshaynayeen inay kaga biiraan socod ay ku baaqeen kooxo kala duwan oo ay ku jiraan dad ololeeya ooka tirsan masiixiyiinta katooligga ah.

Ciidanka amniga ayaa halkaa la geeyey, ka dib markii duqa magaalada Kinshasa uu diiday inuu bixiyo ruqsadda banaanbaxa la qorsheeyey inuu dhaco.

Xukuumaddu waxay kaloo amar ku bixisay in la hakiyo baraha bulshada ee Internetka iyo farriin qoraaleedyada telefoonnada gacanta.

Dadka banaanbaxaya ayaa ku baaqaya in madaxweyne Kabila uu u hogaansamo heshiis sannad ka hor la gaaray oo ah inuu xafiiska ka tago ka hor doorashooyinka.

Banaanbaxyadii dhacay bishii Disembar ee kal hore ayaa waxaa ku dhintay dad dhowr iyo toban qof gaaraya

Advertisement

Ku Xayeysiiso