Taliyaha Guud ee Ciidamada Iran oo ka digay Fitan!!!

Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Iran, Maj. Gen. Mohammad Baqri, ayaa ku baaqay “midnimo xilligan xaadirka ah ee adag kana digay Fitno.”

“Iran uma ogolaan doonto riyada Dawladaha Kibirka iyo Xumaanta inay daciifiyaan oo ay afgembiyaan Nidaamka Kacaanka Islaamka ee Iran,” Bagheri ayaa ka yidhi sannad-guuradii ka soo wareegatay dibad-baxyada ka dib doorashadii Ahmedinejad ee 2009-kii.

Warbaahinta ayaa sheegaysa in dibad baxyo ka socdaan Iran, kuwaas oo ka bilaabmay magaalada Mashad Khamiistii iyaga oo ka mudaharaadaya siyaasada gudaha iyo dibedda waxayna ku fideen magaalooyin kale, inkastoo digniino ay ka heleen mas’uuliyiinta.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Iran ayaa sheegay “Fitantu waxay bilaabantay 2009-ka waxaana taageeraya xukuumadaha Suhyuuniyada iyo khiyaamada iyo nacaybka hoggaamiyeyaashii khilaafka, Shacbiga Reer Iran cashar ayay u dhigi doonaan waxayna ka hortagi doonaan niyadjabintooda waxayna joojin doonaan Fitnada mustaqbalka ee cadowga Jamhuuriga Islaamka.”

Warqabadka Toggaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso