Dibadbaxyo looga soo horjeedo Xukuumada Iran oo ku Fidaya Magaalooyinka!!!

Warbaahinta ayaa sheegaysa in dibad baxyo ka sii socdaan dalka Iran kuwaas oo ka bilaabmay magaalada Mashad Khamiistii waxayna ku fideen magaalooyin kale, inkastoo digniino ay ka imanayaan mas’uuliyiinta Iran.

Dibad-baxyada siyaasadeed ee xukuumadda laga soo horjeedo ayaa ku fiday magaalooyin dhowr ah oo Iran ah, oo ay ku jiraan Qom, Qazvin, Hamdan, Birgand, Rasht, Isfahan, Kermanshah, Shiraz iyo meelo kale.

Dibad baxayaasha Kermanshah galbeedka dalka ayaa ku dhawaaqayay “Xorriyad ama Dhimasho” iyo “Furin ama roodhi, Shaqo iyo Xoriyad”.

Qaar ka mid ah ka qaybgalayaashii dibad-baxyada ayaa gubay muuqaalka hoggaamiyaha sare ee Cali Khamenei, iyaga oo ugu yeedhay “kaligii taliye”.

Ku xigeenka madaxa waaxda nabadgelyada ee Tehran, Mohsen Asseed Hamdani, ayaa ku sheegay war saxaafadeed maanta oo lagu daabacay Warbaahinta in “xiisada dibadbaxayaashu ay xiiseynayaan cadowga Iran,” isaga oo ku hanjabay inay wajahayaan iyaga.

Ciidamada ammaanka ayaa xidhay 52 ka qeybgalayaasha dibad baxyada.

Bilaysku waxay isku dayeen inay ku kala diraan dibadbaxayaasha gaas iyo Rasaasta Rabadhka ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso