Qoys helay Biil koronto oo ka badan bilyano Dollar!!!


Dad badani waxay helaan biilasha korontada ee ay u maleynayaan in ay ka badan yihiin intii ay isticmaaleen, laakiin haweeney Maraykan ah ayaa dhowaan ku dhacday arrin cajiib ah, taas oo ah helitaanka biil sare oo cajiib ah oo aan la rumaysan karin.

Sida laga soo xigtay wargeyska Metro, Mary Horomansky ayaa la yaabtay markii ay heshay biilka korontada oo ah $ 284 bilyan oo gurigeeda oo ku yaala Pennsylvania.

Gabadhu waxay ku fekeraysay inay iftiinka nalalka kirismaska ay keentay ciladda, sababtoo ah qiimaha biilka ayaa ka sarreeyay miisaaniyadaha wadamada oo idil.

Biilkan ayaa cadeeyey in qoyska ay tahay inay bixiyaan ugu yaraan 28 kun oo doolar, bisha Diisambar.

Markii qoysku la xidhiidhay shirkadda korontada, waxay ogaadeen in biilka asalka ahi ka badnayn kaliya $284, iyo in kharashka badani uu ahaa qalad xaga eber-ka ama Zero-ga dheeraadka ah.

warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso