Daacish Oo warqad furan u Dirtay Madaxwayne Trump!!!!

Kooxda Daacish ayaa soo daayay fiidiyoow ,kaas oo xubin ka mid ah xubnaheeda u diray Fariin Hanjabaad Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Fiidnimadii ayaa ninka lagu magacaabo Abu Saleh Al-Amriiki, oo ah Ameerikaan Afrikan ah, wuxuu uga digay madaxwaynaha maraykanka in “dagaalkii Islaamka” ee uu bilaabay Aqalka Cad ay Maraykanka ka dhigtay mid daciif ah.

Ninkan ka tirsan Kooxda Xagjirka ah ee Daacish ayaa ku nuuxnuuxsatay in Trump ku galay Aqalka Cad Khudbadihiisii Kiristaanimo isagoo ku sifeeyey madaxweynaha Maraykanka kuna tilmaamay “Eygii Rome” ee Necbaa Islaamka.

“Maad Xoreyn magaalooyinka, laakiin waxaad ku dumisay weerarradaada hawada sababtoo ah waxaad tahay Fulay aan dhulka nagalu Dagaalami karin , hadda waad arkeysaa guushaada been abuurka ah, dagaalkaaga Islaamka wuxuu dalkaaga ka dhigay mid aan ammaan ahayn oo dadkiisana u horseeday fowdo.”

Wuxuu ka codsaday “Muslimiinta Mareykanka” in ay “u dhigaan Kiristaanka Cadaab Adag ama Dar`an” oo ay qaadaan weerarro cusub oo lagu qaado dhulka Maraykanka, isaga oo ku baaqay in si fudud loo istcimaalo helitaanka hubka Maraykanka.

Maraykanka waxa ka dhacay weerarro argagixiso sannadkan, oo ay ku jiraan laba weerar oo lagu qaaday New York tan iyo bilawgii November, waxanu sheegtay Xagjirkani mas’uuliyada weeraradaa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso