Asad oo Dalkiisa lagu Dhex Ihaaneeyey: Askari Ruush ah oo ka Hor Istaagay Assad in uu la qabsado Putin!

Waxa la arkay Madaxwaynaha Nidaamka Suuriya Bashar al-Assad oo isle gaadh Madaxwaynaha Ruushka markii uu soo booqday saldhig milatari oo ku yaala Hameemim ee gobolka Latakia oo Askari Ruush ahi ka joojinayo.

Sarkaal Hoose ayaa ka joojiyey Inuu Gaadho ama daba socodo Asad Mr Putin sida ay qoreen Qolada wax ka qortay Fiidyawgan la helay, waxaana loo sheegay inuu ka hadho Assad dabagalin madaxweynaha Putin, Askariga Ruushka ah ayaa qabtay gacantiisa si uu u joojiyo ka dibna Asad ayaa madaxa lulay isaga oo qaatay amarka lagu joojiyay halka Putina sii watay Socodkiisa.

Assad waxa uu isku dayay inuu gacantiisa ku muujiyo si uu ugu sharaxo askariga milatariga Ruushka inuu fahamsan yahay sababta uu uga hor istaagay inuu la qabsado Putin, oo uu ereyga ku hadlay, isagoo tilmaamaya in uu halkan istaagi doono? Askariguna wuxuu ku raacay inuu Asad fahmay in uusan gaadhin Putin, isaga oo socodkiisii dhulka garoonka diyaaradaha ee Suuriya sii watay Putina.

Waxaa xusid mudan in Askari ajnabi ahi ka hor istaagey madaxaxweyne dalkiisa inuu dhaqdhaqaaqo, sida ay qabaan mucaaradka Suuriya, Assad ayaa sii ahaa xaaladdiisan taas oo uu ku amray sarkaal
hoose waxayna isweydiiyeen sidee buu madax u noqon karaa Dal dhan? Sida looga fal celiyey in laga hor istaago in Assad ku dhex dhaqdhaaqo garoonka diyaaradaha ee Suuriya.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso