Turki al – Faisal oo sheegay sababta uu ula soo Muuqday Madaxi hore ee Mossad!!!

Agaasimihii hore ee sirdoonka Sucuudiga Prince Turki al-Faisal ayaa sheegay wareysi uu la yeeshay CNN in uu la kulmay madaxii hore ee Mossad Efraim Halevy.

Amiirka ayaa sheegay in sababta keentay inuu la kulmo Halevy tahay inuu ku yidhaahdo Falastiin waa arinta koowaad.

Amiirka ayaa sheegay in dadka aaminsan in boqortooyadu ay la shaqeyn doonto Israaiil iyagoo wali haysta Falastiin, Suuriya iyo dhulalka Lubnaan, marka lagu daro Qudus, uusan ogeyn waxa uu ka hadlayo.

Amiirka ayaa intaa ku daray in bayaanka boqortooyada Sacuudi Carabiya uu yahay mid joogta ah tan iyo markii la aasaasay Dawlada Israa’iil 1948-dii ayaa ka soo horjeedo eedeymaha ah in dalkiisa uu ogolaaday dhawaaqii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee Qudus.

Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in go`aanka Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump uu dhaawacay geeddi-socodka nabadda yahana dhinac istaaga Israel.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso