Gudaha ka Akhri Ronaldo oo Is Faanshay Muu Dhalan Mid iga fiican weli!


Xidiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa Amaan Iskala Dul Dhacay sheegayna in ciyaaryahankankii kaga xoog badanaa kubada cagta aan weli dhalan, islamarkaana uu yahay ciyaaryahanka ugu fiican ee taariikhda kubada cagta ciyaara.

“Waxaan ahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda kubada cagta Mana uu dhalan Weli Ciyaaryahankii iga xooga badanaa, Ronaldo ayaa sidaasi ku sheegay mar uu qaadanayay abaalmarinta Ballon Golden Ball oo ay bixisay majalada France Football magazine ayna siiso Xidiga kubada cagta adduunka ugu fiican.

“Dabcan waan ku faraxsanahay, waa arin aan rajeynayo sannad walba,” ayuu ku yidhi munaasabad ka dhacday Tower Eiffel ee Paris.

Ronaldo wuxuu ku guuleystay abaalmarinta kubada dahabka iyo abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee FIFA 23kii October.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso