Ka dib go’aanka Trump .. Wafti ka socda Khaliijka oo booqanaya Israel (marqaati)

Kanaalka labaad ee telefishanka Israel ayaa Habeenkii Xalay ahaa sheegay in wafdi ka socda dawladda Gacanka ee Baxrayn ay booqasho rasmi ah ku yimaadeen Israel.

Tiifiga ayaa intaa ku daray in wafdiga ay matalayaan dalka Bahrain booqashadooduna ay qaadan doonto muddo afar maalmood ah, inta lagu gudajirona ay la kulmi doonaan masuuliyiinta Israel. Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Qudus Press.

Sida laga soo xigtay kanaalka wafdiga Bahraini ayaa safar ay ku weheliyeen shaqaale ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Yuhuudu ku mareen magaalada Qudus, iyadoo aan la sheegin meelaha iyo goobaha uu booqdeen.

Warka ayaa shaaca ka qaaday in booqashada wafdiga Bahraini ay ku socdaan awaamiirta iyo talooyinka Boqortooyada Bahrain, Hamad bin Isa Al Khalifa, si ay u dirto fariin dulqaad ah oo loo fidiyo Israa’iil.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso