Ka dib go’aanka Trump .. Tooriyeyna ka dhacday degsiimo ku taal Qudus ta la haysto…

Qof deggan oo ka shaqeynayay ilaalo ammaan ah oo ku yaal saldhigga basaska ee magaalada Qudus-ta la haysato ayaa si xun u dhaawacmay ka dib markii nin dhallinyaro ah uu tooriyey maanta duhurkii.

Warbaahinta Yuhuuda ayaa soo warisay in waardiyaha si toos ah looga tooriyeeyey qaybta sare ee jidhka waxaana loo qaaday isbitaalka si loogu daaweeyo.

Ilaha caafimaad ee Israel ayaa tilmaamaya in xaalada ilaaliyuhu ay aad u daran tahay, waxaana la keenay cusbitaalka isaga oo miyir la’ waxaana lagu rakibay qalabka neefsashada si ayna uga sii daraan xaaladdiisu.

Kanaalka labaad ee Israel ayaa sheegay in weerarka geystay nin 24-sano jir reer Falastiin ah oo ka yimid West Bank.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso