Mudanayaasha Aqalka Golaha Somaliland Ayaa Saddex Xeer Oo Isbarkan Duubduub ku Meelmariyey.

Hargeysa(Toggaherer)-Mudanayaasha Aqalka Golaha Somaliland Ayaa Saddex Xeer Oo Isbarkan Duubduub ku Meelmariyey.

Fadhigii maanta Oo uu shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Md-Baashe Maxamed faarax ayaa mudanayaasha golahaasi waxay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen xeerarka kala ahaa Xeerka Bileyska,xeerka xabsiyada dalka iyo xeerka Duulista Hawada Somaliland.

Mudanayaasha Golaha wakiilada somalinad ayaa maanta waxay cod gacan taag ah ku ansixiyeen xeerarka kala ah xeerka xabsiyada dalka,xeerka duulista Hawada iyo Xeerka Booliska Somaliland,iaygoo mid mid u meelmariyey gacantana u taagay .

Dhammaan xeerkaasi ayaa Madaxweynaha xilka ka sii dagaya Md-Axmed maxamed maxamuud (silaanyo),ayaa xeerarkaasi ku soo celiyey Gole weynaha wakiilada Somaliland si ay wax ka badal iyo kaabisba ugu sameeyaan,balse waxay xeerarkaasi ku meelmariyeen oo ay mudanayaasha golahaasi isla qaateen in sidii uu kaga gudbay Golaha wakiilada dib loogu ansixiyo ,iyadoon wax ka badal iyo kaabisba aan lagu samaynaynin.

Halkani ka dhagayso qodob wareedkani:

Mudanayaasha Golaha wakiilada somaliland ayaa Cod aqlabiyad akh ku meelmariyey xaarar kala duwan.

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso