Dembiile Dagaal oo Cabay Sun ka dib Markii Xukunkiisii lagu Dhawaaqay !!!

Waxa la laalay Dhegaysiga Dacwada maxkamadda dambiyada dagaal ee Yugoslaviya oo ku taal Hague ka dib markii eedaysanuhu Cabay Sun isla markii uu maqlay xukunka.

Eedeysanaha Slobodan Berliac waa mid ka mid ah lix Saraakiil Ciidan iyo Siyaasyiin oo ka tirsan Croatia Bosnia ayna maxakamadu dhegaysanaysay Rafcaankooda.
Slobodan Pralayak ayaa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah sannadkii 2013.

Isla markii uu maqlay in garsoorka racfaanku uusan beddelin xukunka, wuxuu u sheegay garsoorka in Qaadanayo sun.

Sawirada ayaa muujiyay in Baralik uu istaagay oo gacmihiisana kor u qaaday afkiisa Madaxna Dib u Celiyey cabayana galaas oo uu qareenkiisu ku sheegay inay ku jirto sun.

Garsoorka ayaa isla markiiba amar ku bixiyay daahyada in la xidho dhagaysigana la joojiyo.

Garsooraha ayaa weydiistay inuu koob la xafido ee uu isticmaalay Baraleic isaga oo markiiba ay ka soo muuqdeen Calaamado .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso