Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdmbeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdmbeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan

kuna wajahan Qarannimo iyo aqoonsi, qabyaalad iyo qiimala,aan.

Sida aynu la wada soconno dalka waxaa ka qabsoomay Doorasho una beretemaayeen saddexda Xisbi qaran ee jamhuuriyadda madaxa bannaan ee Somaliland.

Inkasta oo cabashooyin jireen waxaa tartankaas ku guulaystay oo nasiib u helay xisbiga Kulmiye in uu waddanka hoggaamiyo qaddarka Alle lamana dhaafi karo.

madaxwaynaha mudane Muse Bixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa mudane Cabdiraxman Cabdilahi Saylici.

Waxay bulshada reer Somaliland u dhegtaagaysa

Dawladda ay soo unkaan kana nadiif ah dawladdii hore ee madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud uu soo dhistay.

Lana yimaaddaan hab cusub oo bulshadu xiisayso, Isuna soo jiidi kara shacabka reer Somaliland ee walaaha ah ee la moodo in ay sii kala jeesteen dantoodiina dayacay.

Waxaana nala habboon ay kala tashadaan culimada reer Somaliland wanaaggana la xeeriyo.

Waxaa wanaagsan in lagu dhaqmo xeerka ay ummaddu dhigatay kaas ayaana lagu kala badbaadaya marka dhinac laga dhaafo xeerka waa waxyaabaha keenaya khilaafka ,muranka musumaasuqa, dhaqaalaha oo saldhigi waaya,caddaalduna waxay keentaa ,dulmiga oo laga dheerado.

Bulsho is aqoonsan ayaa ummadaha kalena aqoosan karta.

Waxyaabaha aqoonsiga dib ugu dhacay waxaa ka mid ah qabyaaladda,warbaahinta oo looga baahanyahay in waddannimada ilaaliyaan kana dheeradaan waxyabaha aan sharafta dalka ku habboonayn

Ilaahay ayey mahad oo dhan iska leh buburka dalka ka badbaadiyey

Deeq Cabdi Digale

Advertisement

Ku Xayeysiiso