Xorriyadaadu waa inaad 70% aad hantidaada Bixisaa+ Bin Salman ayaa kala xaajoonaya amiirada la xidhay siideyntooda!!

Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa xidhay daraasiin amiiro iyo ganacsato caan ah ka dib markii amar boqarka Sucuudiga ahi soo baxay sheegayna inuu la abuuray guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa oo uu hoggaamiyo amiirka dhaxalka lihi.

Si kastaba ha ahaatee goobjoogayaal Sacuudi ah ayaa sheegaya in ololahu looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda amiirka dhaxalka leh Amiir Maxamed Salmaan 32 jirka ah.

Maamulka Sucuudiga ayaa kula xaajoonaya qaar ka mid ah maxaabiista Ritz-Carlton Hotel ee Riyadh si loo sii daayo inay ka tanaasulaan bixiyaana saami badan oo hantidooda ah , sida uu sheegay Wargeyska The Financial Times….

Wargeyska ayaa la hadlay Qof ay magaciisa ku Soo gaabisay B kana mid ah kuwa la socda wadaxaajoodka kuwaas oo sheegay in gorgortanku ujeedkiisu yahay in la gaadho sii deynta qaar ka mid ah maxaabiista oo ay ku jiraan Prince Alwaleed bin Talal ganacsadayaasha Walid Ibrahim iyo Bakr bin Laden.

Ilaha warkan ayaa sheegaya in xaaladaha qaarkood masuuliyiintu ay rabaan in ay helaan 70 boqolkiiba hantida tuhmanayaasha, iyada oo intaa lagu daray in wadarta guud ee laga rabaa ay gaadhi karto 300 bilyan oo doolar.

Raga Xidhan kuwa ugu Caansan iyo Hantidooda.

Walid bin Talal (ganacsade) $ 16.5 bilyan
Mohammed al-Amoudi (ganacsade) $ 12 bilyan
Saleh Kamel (ganacsade) $ 3.7 bilyan
Bakr bin Laden (ganacsade) Hantida qoyskiisa 7 bilyan oo dollar
Walid bin Ibrahim (ganacsade) $ 2.3 bilyan
Amr al-Dabbagh (ganacsade) $ 1.5 bilyan
Nasser al-Tayyar (ganacsade) 600 milyan oo doolar
Adel al-Faqih (ganacsade iyo wasiirkii hore ee dhaqaalaha iyo qorsheynta) 470 milyan oo doolar
Prince Meteb bin Abdullah (oo ah Wasiirkii hore ee Difaaca Qaranka) $ 110 milyan

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso