Madaxweyne Al-Bashir Oo Qaatay shahaadada master-ka!!

Madaxwaynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa qaatay shahaadada mastar-ka ee cilmiga bulshada.

Bashir waxa uu shahaadada ku qaatay xaflad ka dhacday jaamacada Aljasiira ee badhtamaha dalka, markii uu booqday Gobolka jasiira Waxaanu qaatay shahaadadiisa kaddib markii uu dhammeeyey manhajka Machadka Aqoonta Islaamka ee Jaamacadda.

Mid ka mid ah dadkii ka soo qaybgalay ayaa warbaahinta u sheegay in saxafi caan ahi uu ku amaanay madaxweynaha isaga oo ugu baaqay guddiga tacliinta inay ku maamuusaan Shahaada Doctorate haddii uu qoro hal cutub oo dheeraad ah oo ka mid ah warqadda uu ku sharxay buugga.

“Madaxweyne Bashir waxa uu si guul ah u dhammeeyey daraasaddiisa 15 koorso oo saddex semester ah waxaanu sameeyey cilmi-baadhis dheeri ah isaga oo difaacay buugisa Caqabadaha dabaqaada Shareecada ee bulshooyinka Muslimiinta ah tan iyo 2012” .

Caadil Dayfulaah Dean-ka ee Arimaha Cilmiga ee Jaamacada Al Jazeera.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso