Trump in ka badan 5 Jeer Maalintii ayuu sheegaa Been!!!!

Washington Post ayaa isku dayday in ay tiriso beenaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump xilligii uu ku guuleystay doorashadii madaxweynenimo waxaana uu helay in uu sameeyay 1,628 Khudbado ama hadalo been ah.

Wargeysku wuxuu xusay in Trump Intii uu joogay ilaa Nofeembar 14 xafiiska Aqalka Cad 298 maalmood intaas macnaheedu yahay inuu 5.5 uu sheegay hadal been abuur ah maalintiiba.

Haddii ay sii socto ilaa dhamaadka 2017 Trump ayaa soo sheegi doona ilaa 2000 oo hadal oo been abuur ah ilaa iyo dhammaadka muddo xileedkiisa afarta sano ah tirada ayaa noqon doonta ilaa 8,000.

Washington Post ayaa sidoo kale daabacday xog ururin ay ku jiraan faallooyinka Trump iyo sidoo kale soo bandhigyada ku saabsan sida ay u la socdeen runta.

Sida laga soo xigtay wargeyska Trump ayaa inta badan beeniyay ama bixiyay macluumaad aan sax ahayn marka laga hadlayo shaqo la’aanta dalka, canshuuraha, suuqa saamiyada, sinnaanta, iyo caymiska caafimaadka ee Obama.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso