Maduro oo kula taliyay madaxweynaha Colombia inuu isticmaalo kookeynta

Madaxwaynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa weerar ku qaaday dhigiisa u dhashay Colombia Manuel Santos isaga oo kula taliyay inuu qaato kookeynta.

Weerarka ayaa waxaa sababay go’aanka Colombia ee ah in ay mamnuucdo daawooyinka ka yimaada dalka dariska ah ee Venezuela.

“Santosow marnaba ma doonayno inaan ka soo iibsano Colombia liq adigu dawooyinkaas” Maduro ayaa sidaasi ku sheegay hadal uu baahiyay Telefishinka “Waxaan bilaabnay inaan ka soo iibsano Hindiya, liq adigu daawadaada iyo daroogadaada Kookeyn.”

Tani maaha markii ugu horreysay ee madaxweynaha Colombia uu soo weeraro saaxiibkiisa Venezuela oo lagu yaqaan Jacaylkiisa sifooyinka hadalada dhaliya doodaha.

Bishii July Maduro wuxuu ku tilmaamay Santos sida “khaa`in caabuda shiisheeyaha maxbuusna u ah Imbiraadooriyada Mareykanka.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso