Waxa uu ka tagay laba kiilo oo dahab ah Diyaarad uu la Socday!!!


Mid ka mid ah rakaab Dayuurad laga leeyahay dalka Hindiya ayaa ku illoobay 2 kiiloogaraam oo dahab ah diyaaradda dhexdeeda.

Wargeyska “Times of India” ayaa ku warramay helitaanka laba qurus oo dahab ah oo miisaankoodu yahay laba kiilogaraam diyaarad ku dagtay magaalada Madurai ee India.

Salaasadii November 7-deedii koontaroolayaasha caafimaadku waxay heleen Qurusyo dahab ah oo lagu qariyey laba meelood oo ku yaal jaakada nabadgalayada mid ka mid ah kuraasta rakaabka.

Hawlwadeennada qaabilsan ayaa hadda aqoonsanaya qofka isku dayay inuu soo qaado Dahabkan qaaliga ah Sida laga soo xigtay saraakiisha degaanka labadan Qurus ayaa qiimahoodu ka badan yihiin $ 77,000.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso