Xaalad caafimaad oo degdeg ah ayaa lagu soo rogay caasimadda Hindiya ka dib markii ay kor u kacday hawada wasakhaysani

Xaalad caafimaad oo deg-deg ah ayaa lagu dhawaaqay caasimadda Hindiya ee Delhi kadib markii hawada wasakhaysan ay kor u kacday in ka badan 200 jeer heerka aaminaada.

Saraakiisha caafimaadka ayaa ku taliyay xidhitaanka iskuulada waxaana ay sheegeen in wasakhawga hadda jira ee hawadu ay u dhiganto sigaar cabidda 50 sigaar maalintii.

Sanad walba Delhi waa uu ka jiraa qiiqa wasakhaysani kaas oo ka yimaada qiiqa baabuurta iyo gubashada dalagga beeraha ee baadiyaha.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso