Qaramada Midoobay oo ku boorisay Saudi Arabia in ay soo afjarto go’doomintii Yemen

Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay Sacuudiga iyo Xulafadiisu in ay joojiso go`doominta ay Yemen soo rogeen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtey in go’aanka isbahaysiga uu yahay in la xidho dhamaan dhulka badda iyo hawada ee Yemen taas oo joojisay gargaarka hawada ee lagama maarmaanka u ah dhulka dagaalku baabiiyey ee Yemen.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa ka digay in xannibaaduhu ay halis ugu jiraan nolosha qiyaastii todobo milyan oo qof oo ku nool xaalado udhaxeeya gaajo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso