23 qof oo tahriibayaal ah oo ku dhintey xeebta Liibiya

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa  Badda Mediterranean-ka Jimcihii ka helay meydadka 23 muhaajiriin ah oo ka yimid badda Libya.

Intii lagu jiray howlgal la mid ah Ciidamada Bada ee Yurub oo loo yaqaan Sophia ayaa barta  Facebook  waxay sidoo kale ku sheegeen in ay badbaadiyeen  64 qof oo saarnaa doon yar oo ku dhow xeebta kadib markii biyuhu soo galeen.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in samatabbixiyeyaashu ay soo saareen ilaa 700 qof oo tahriibayaal ah Badda Mediterranean waxayna heleen 23 meyd oo hal hawlgal.

Laba maalmood ka hor waxa la helay meydadka todoba qof oo tahriibayaal ah oo saarnaa doomaha asaasiga ah ee xeebaha Liibiya intii lagu jiray hawlgallo gargaar oo taxane ah, oo 900 oo qofna lagu soo badbaadiyey sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Talyaaniga.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso