Inta badan Dadka ku Dhintay weerarka Manhattan waa ajaaniib

Argentina ayaa sheegtay in shan ka mid ah muwaadiniinteeda la dilay intii uu socoday weerarkii New York, halka Belgium ay iyana sheegatay in sidoo kale ay ku waayeen muwaadin weerarka argagixisada.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Argentine ayaa tacsi u dirtay geerida muwaadiniinteeda weerarka uu fuliyey Ninka Uzbekka ahi aagga Manhattan ee New York.

Geesta Kalena Wasiirka Arrimaha Dibedda Belgium Didier Reinders ayaa sidoo kale ku dhawaaqay geerida muwaadin waddankiisa ah, isaga oo intaas ku daray in saddex kale ay dhaawacmeen.

Sida laga soo xigtay ilo saxaafadeed Saifallah Saebof oo 29-jir ah ayaa baabuur uu watay si ula kac ah u jiidhsiiyey dad watay baaskiilado sidoo kale waxa ku dhuftay gaadhi bas ah oo loogu talagalay carruurta naafada ah ka hor intii aanu gaadhiga kala soo bixin hub.

Sida laga soo xigtay NBC New York weerarka baska ayaa waxa ku dhaawacmay laba nin iyo labo caruur ah halka mid ka mid ah caruurta xaaladiisu aanay fiicnayn.

Siddeed qof ayaa lagu dilay weerarkan oo dhammaantood rag ah oo laba ka mid ah aan weli la aqoon halka kuwa dhaawacmey gaadhayaan 15 oo loo qaaday isbitaalada.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso