Gudaha ka Akhriso Yuu Ahaa Ninka Fuliyey weerarka Manhattan?

Eedeysanaha weerarkii Manhattan ayaa ah nin 29 jir ah oo u dhashay dalka Uzbekistan yimidna Maraykanka sannadkii 2010-kii, sida ay warisay warbaahinta Mareykanku.

Shabakadda CNN ayaa ka soo xigatay saraakiisha iyadoo sheegtay in bilaysku xidhay tuhmanaha waxaana hadda lagu daaweynayaa Cisbitaal.

 

 

Saraakiisha ayaa sheegay in dhacdada la baadhayo inay tahay falal argagixiso, halka dad arkaayay ay sheegeen in eedeysanuhu uu ku qaylinayay intii uu ku jiray weerarka Alaahu Akbar.

Sida laga soo xigtay warbaahinta kale magaca Ninkan dhalinyarada ah ayaa la yidhaa “Sayfulaah Sayaboof”, Waana Muwaadin u dhashay Uzbekistan deganaa Florida yimidna dalka Maraykanka sannadkii 2010.

Eedeysanaha ayaa jiidhsiiyey gaadhi xamuul ah  degmada Manhattan ee magaalada New York isaga oo bartilmaameedsaday dad watay baaskiilado sida ay sheegeen Goobjoogayaal kaas oo dilay siddeed qof isla markaana dhaawacay 12 kale.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso