Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Soo Afmeertay Laba Siyaasaddood Oo Dalka U Hogaamin Doona Dawladda Casriya

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Soo Afmeertay Laba Siyaasaddood Oo  Dalka U Hogaamin Doona Dawladda Casriya

“Barnaamijkani Waxa Uu Wax Weyn Ka Tari Doona Jaan-Tuska Shaqo Daadajineed Ayaa Fursad Wanaagsan U Siin Donna Shaqaale Walba, Iyadoona Wax Wayn Ka Tari Doonta Shaqaalaha Ka Caban Jiray In Aan Shaqo Loo Dirsan” md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa maanta soo afmeertay isla markaana si rasmi ah u jaangoysay haggayaasha iyo siyasaadaha qaab-dhismeedka shaqo daadejinta iyo diiwaanka xogta ee Shaqaalaha Somaliland.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Masuuliyiinta kale hay’adda shaqaalaha, ayaa maanta  Shirweyne ay Hargeysa ku qabatay ku soo afmeertay Siyaasad Casri ah oo lagu habeyn iyo hagid u noqon doono Shaqaalaha  kala duwan ee dawladda  Jamhuuriyadda Somaliland kaasi oo nidaam dawladnimo casri ah la filaayo in uu qaranka u horseedi doono.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo qoraal Saxaafadda ka hor akhriyey oo uu kulanka Barnaamijkan la soo afmeeray maanta  ku faahfaahiyey waxa uu qoraalkiisu u dhignaa sidan.

Bilowga Dawlad Casri ah “Modern Government” iyo Shaqaale Waajibaad Shaqo kala le “Job Specification” Qof walbana kaalin ku haboon laga hawl geliyo “Right person to the right position”.

Hay’adda Shaqaalaha dawladda oo maanta soo afmeertay haggayaasha iyo siyasaadaha qaab-dhismeedka shaqo daadejinta “Re-organization and Re-structuring” iyo hannaanka keydka iyo diiwaanka xogta “Record Management”

 

– Iyadoo muddooyinka sannadaha ahaa ee shaqaalaha dawladdu ka hawl galayeen wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladu dareemayeen shaqo shaqaalaha qaar uun ku urursan iyo daadajin la’aan shaqo ayaa xog-ururin, xaalad darsid iyo xog-ogaal u noqosho kadib waxaa maanta lasoo saaray saablayda shaqo ee 8 hay’adood oo dawli ah kuwaas oo loo qaatay tijaabo

– Jaan-tuska Shaqo daadajineed ayaa fursad wanaagsan u siin donna shaqaale walba oo ka hawl gala Wasaarad dawladeed in uu noqdo mid shaqo ku foogan iyadoona wax wayn ka tari doonta shaqaalaha ka caban jiray in aan shaqo loo dirsan ama aan aqoontiisa laga faa’idaysan

– Dib u habayntan saablayda shaqo ayaa muujin doonta baahida dhabta ah iyo nooca shaqaale ee Wasaaradu u baahan tahay waxaanay iftiiminaysa in qof walba halka uu ku haboon yahay la dhigo “Right person to the right position”

– Sidoo kale jaantuskan ayaa wata waajibaadkii shaqo “Job Specification” taasi oo masuulka maamulka ah u fududayn doonta in uu shaqaalaha la xisaabtamo

– Waxaa iyadna isla maanta lasoo afmeeray haggaha iyo siyaasada keydka iyo xafiddida xogta , kaasi oo wax weyn ka tarri doona sida Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladu u yeelan lahayeen xafiis keyd oo dhamaan macluumaadka shaqaalaha iyo guud ahaanba xogta shaqo ee goobta ka socda lagu ilaasho

– Ilaalinta iyo keydinta xogta ayaa dawladda ka dhigi doonta mid horusocod le isla markaana masuulka cusub ku hogaamin doonta qabyo-tirka intii qabsoontay iyo qorshaynta kuwo cusub

Arimahan ayaa shaqada iyo shaqaalaha dawlada u hogaamin doonta dawlad casri ah qof walbana dhigi doonta halkii uu ku haboonaa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso