Xisbiga Kulmiye Laanta Birmingham Ingiriiska oo Xaflad Fooladeyn Tageerayaal Cusub oo ku soo BiirayCasho Sharaf Iyo Sagootin ah loo Sameeyay Mas’uuliyiin iyo Muraaqibiyiintii ugu danbeeyey ee Dalka u Imanaaya

Xisbiga Kulmiye Laanta Birmingham Ingiriiska oo Xaflad Fooladeyn Tageerayaal Cusub oo ku soo BiirayCasho Sharaf Iyo Sagootin ah loo Sameeyay Mas’uuliyiin iyo Muraaqibiyiintii ugu danbeeyey ee Dalka u Imanaaya Ka Qeyb-qaadashada Hawlaha Doorashada ee Xisbiga Kulmiye

 
Xaflad ay soo abaabuleen madaxda xisbiga KULMIYE Birminham UK  ayaa xalay 28/10/2017 lagu qabtay Magaaladda Birmingham oo ahayd casho sharaf iyo Sagootin loo Sameynaayey Mas’uuliyiinta iyo Muraaqibiyiintii ugu danbeeyey ee Dalka u Imanaaya Ka Qeyb-qaadashada Hawlaha Doorashada ee Xisbiga Kulmiye.
sidoo kale Xafladda ayaa ahayd mid iyadana loogu Fooladey-naayey laguna soo dhaweynaayey  Siyaasiyiin, Wax-garad , Haldoor, Dhallinyaro iyo Haween oo ahaa taageerayaal baaxad weyn oo ka soo jeeday Xisbiga New-Ucid ee Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka soo guuray Xisbiga UCID . kuwaasi oo ay ka mid ahayeen .
1. Rashiid Xasan Shire . Gud Wacyigelinta Xisbiga Ucid UK
2. Cabdi Mowliid Nuur . Gud Maamulka Lacagta Xisbiga Ucid UK.
3. Caasha Cali Beyr. Gudoomiyihii Garabka Haweenka Ucid UK.
4. Farduus Saleebaan Xubin Xisbiga Ucid.
5. Layla Salebaan , Xubin Xisbiga Ucid.
Siyaasiyiintan iyo taageerayaashan cusub ee ku soo biiray Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa ay dhammaantood ba sheegeen. inay ay cod iyo cudud-ba iminka la garab-taagan yihiin Xisbul-Xaakimka Kulmiye.
Dhinaca kale xafladda Xisbiga Kulmiye laantiisa Birmingham ee Ingiriiska ay sameyeen ayaa ahayd diyaar garowgii ugu danbeeyey ee ku aadan dhinaca Doorashada ka dhacaysa Somaliland iyo weli ba ka qeyb-qaadashada ololaha Doorashada ee la filaayo in uu dhawaan 13 Nov-2017 ka dhacdo dalka, iyaddoo ay goob-joog ka ahayeen hormadii ugu danbeysay ee ka qeyb-galaysa hawlaha doorashada Xisbiga Kumiye Birmingham u soo dirtay Somaliland.
Waxaana xaflad lagu ambabaxinaayey hormadan oo ka koobaneyd in ka badan sodon ruux oo taageerayaal u ah Xisbiga Kulmiye laantiisa Birmingham . isla mar ahaantaana ka qeyb-qaadan-doona hawlaha Xisbul xaakimka Kulmiye ee dalka gudahiisa iyo goboladda kala duwan.  oo xalay ka dhacday Magaaladda Birmingham, iyadda ay halkaasi goob-joog ka ahaayeen madaxda Laanta B.ham ee Ingiriiska  iyo weli-ba  tageerayaasha Kulmiye magaaladda Birmingham ee Ingiriiska.
Xafladdan ayaa mas’uuliyiintii iyo muraaqibiyiintii u soo amabaxaayey dalka, waxa looggu soo guntay weedho iskugu jiray dardaaran iyo weli-ba sidoo kale dhiiri-gelin ay uga dan lahaayeen siddii ay u sii dar-dar gelin lahaayeen hawlaha Xisbiga Kulmiye goboladda dalka. iyada oo sida oo kale na ay kooxdani dalka ku sugnaan doonto illaa inta doorashadu ka dhacayso,
Geesta kale Gudoomiyaha garabka haweenka Kulmiye Birmingham Uk : Farduus Maxamed Bootaan .Odayaasha Musdanbeedka Kulmiye B.ham : Prof Siciid Fisigis. Oday Axmed Bidaar. Siyaasi Axmed Salebaan . Gudoomiye Ku-xigeenka Kulmiye B,Ham Fariid Diiriye Nuur . Gudoomiyaha wacyi-gelinta Kulmiye . Siyaasi Cabdi Jaquur iyo Gudoomiyaha Kulmiye Birmingham Md. Maxamuud Xirsi Duduu oo hadalka soo khatimay ayaa waxay tageerayaasha Xisbiga laantiisa B.ham kula dardaarmeen in ay laban-laabaan wada shaqaynta Xisbiga dhexdiisa, waxaana ay fareen dhamaan laanta iyo Taageerayaasha Xisbiga Magaaladda Birmingham. In ay hawshii Xisbiga Kulmiye ay sideeda u socoto iyo Si ka-sii-badan.
Xafladda sagootinta u ahayd  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye B.ham Uk iyo Waftigiisa , waxaana ay ku soo geba-gabowday Jawi aad u Qurux  badan.
Weftiga Kulmiye Birmingham Iyo Kuwa kale oo ka socda laamaha kale Uk dhamaantood waxaa isku hogaaminaaya Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Uk Md Xariir Xirsi Adar oo iyagu magalooyinka kala duwan ingiriiska kala socda , ahna Kooxdii ugu danbeysay oo campaignka doorashada ka qayb-geli doonta . waxaanay ku soo beegan yihiin dalka  Maalinta Isniinta Berito ah 30/10/17 saacadda 10:30 A.M .
soo dhaweynta weftigaasi iyo diyaar-garowgaba ayaa laga dareemayaa dalkii. iyagoo ay u imaan doonaan doorashada ka hor. si ay uga qeyb-qaataan hawlaha Xisbiga Kulmiye iyo ololahiisa-ba.
DAAWO, Sawirada Xafladdii ka dhacay Birmingham dalka Ingiriiska.
Adan Yusuf Elmi.
Birmingham/Uk.

Advertisement

Ku Xayeysiiso