Magaalo Maraykanka Ku taal Oo Ku Soo Rogtay Ganaax Dadka iyaga oo Socda Fariimaha Qoraalka ah ku qora Mobile kooda!!!

Magaalada Honolulu ee gobolka Hawaii, USA, ayaa ku soo rogay ganaax dhan illaa US $ 35 dadka wadada ka gudbaya iyagoo isticmaalaya telefoonadooda si ay u qoraan fariimaha qoraalka ah.

Waxay noqon doontaa magaalada ugu horeysa ee Dalka Maraykanka ee dabaqada ama fulisa go’aankan, gaar ahaan kadib markii shilalka waddooyinka ee soo noqnoqda ay sababeen dad lugeynaya.

Duqa magaalada Honolulu Kirk Caldwell ayaa saxiixay go’aanka bishii July waxaana uu si cad u sheegay in “marnaba aanu xaq u lahayn ruuxna inuu jidka maro ama dariiqa maro marka uu eegayo qalabkiisa elektarooniga ah.”

Qaraarkan ayaa ka reebaya dadka iyaga oo ku hadlaya telefoonadooda ka gudbaya wadada, maadaama ay iska eegi karaan dhinacyadooda kana fogaan karaan shilalka suurtagalka ah.

Sida laga soo xigtay tirakoobyo ka soo baxay Ururka Gobollada Mareykanka ee ku saabsan ammaanka waddooyinka, 6,000 oo qof ayaa ku dhintay shilalka gaadiidka sannadka 2016, kor u kaca 11 boqolkiiba sannadkii hore.

Ururku wuxuu sabab uga dhigay kor u kaca tirada dhimashada isticmaalka Taleefannada casriga ah inta lagu gudajiro waddooyinka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso