Fiidyaw Sababay Mawjado cadho ah, Dembi kufsi wadada dhinaceeda Hindiya + Dadkii Dariiqa Marayay Oo Sawiranaya + Dhibaatada Iyo Arxan La`aanta ay Keeneen Mobile-ku ee ah Uun Sawir Qaad!

Haweeney Hindi ah ayaa lagu kufsaday wadada dhinaceeda magaalada Visakhapatnam wakhtigaas oo wadadu ahayd mid cidhiidhi ah indhaha dadkuna hayaan.

WargeyskaHindustan Times ayaa ka warbixisay kufsiga haweeney Hindi ah oo ku taal magaalada koonfurta bari ee Visakhapatnam, laakiin waxyeellada ugu weyni waxay ahayd inay goobtu ahayd Wado Xoog Dadku u marayaan Fara badni awgeed Wakhtiguna ahaa Duhurnimo Cad(dhacdada waxay dhacday 2-dii galabnimo), Cid qudha oo dadkee Goobta marayay mid qudhi muu soo faragalin dhacdada balse waxay la soo baxeen Mobile dooda gacanta si ay sawiro uga qaataan dhacdada naxdinta leh.

Wargeysku wuxuu sheegay in haweeneydu ay isdileen ninkeeda laba maalmood ka hor dhacdada oo ay ka tagtay guriga, waxa ku soo dhawaaday Nin sakhraansan lana yidhaa Ganji Silva oo da’diisu ahayd 23 jir isla markaana kufsadey markii ay iska fadhiisatay wadada dhinaceeda, Waxay u badan tahay inaysan wax cunin mana ay seexan.

Mid ka mida darawalada ayaa bilayska wargaliyay oo xihday dembiilaha dhibanaha u qaaday cusbitaalka wax war ahna lagama helin caafimaadkeeda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso