Macalin Shaqada Laga joojiyay ka kadib Markii uu ka soo Muuqday Fiidyaw Isaga oo ku Xadgudbay Arday!!


Dugsiga ku yaal Rhode Island ee Maraykanka ayaa Kaaliyaha Maamulaha Dugsigaas laga joojiyay Shaqada ka dib markii uu ka soo muuqday fiidiyoow isaga oo si xun u ciqaabaya arday.

Thomas Bacon oo ah kaaliyaha maamulaha Dugsiga Sare ee Central High ayaa ka muuqday fiidiyowga markii uu ardayga horay ugu soo tuuray asxaabtiisa hortiisa sida ay warisay Wargeyska Daily Mail.

Arday Ameri Pemberton oo 15 jir ah ayaa Bacon ku eedeeyey inuu weerar ku qaadey isaga oo jooga Isniintii Maqaaxida dugsiga.

Bacon ayaa u sheegay bilayska inuu isku deyayay inuu ardayga ka soo saaro kafateeriyada laakiin wuu diiday in uu addeeco. “Waxaan isku dayay inaan si kalsooni leh u ii raaco kana soo baxo kafateeriga, laakiin wuu diidey, waxaana uu feedhay macalin isaga oo isku deyayay inuu ila kaxeeyo,” ayuu yidhi.

“Waxaan isku dayay inaan u noqdo qof fiican laakiin ardaygu wuxuu muujiyay iska caabin ka dibna dhulka ayaanu dhignay si wadajir.”

Laakiin Jennifer Pemberton oo ah hooyadii ardayga ayaa aragti kale qabta waxayna tidhi “Wiilkaygu ma muujin wax iska caabin” ayay yidhi Jennifer Pemberton.

Dugsigu ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in kaaliyaha maamulaha si ku-meel-gaadh ah looga joojiyay shaqada ilaa mudada baadhitaanka lagu sameeynayo dhacdada.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso