Taageerayaasha KULMIYE ee Gobolka Sool oo Isu soo baxyo Ballaadhan Kaga Qaybgalay Ololaha Xisbiga

Laascaanood(ToggaHerer)-Kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbiga Midnimada iyo horumarka ee KULMIYE ee ku dhaqan caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa isu soo bax ballaadhan oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan KULMIYE ku daah-furay ololaha xisbiga KULMIYE oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaanba dalka Somaliland.
Isu soo baxa ay taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Laascaanood ku muujinayeen taageerada ay KULMIYE u hayaan iyo sida ay uga go’an tahay inay codkooda ku garab galaan murrashaxiinta KULMIYE, ayaa waxa kala qaybgalay wefti ballaadhan oo xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ka socda, kuwaas oo ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE Md. Xuseen Aadan Cadde, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, wasiiru-dawlaha wasaaradda Beeraha Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, hoggaanka guddida ololaha gobolka Sool ee xisbiga KULMIYE iyo saraakiil kale.
Masuuliyiintan, ayaa hadallo ay ugu hambalyeeyeen taageerayaasha isu soo baxay u jeediyey, waxana ay kula dardaarmeen inay sii laba jibaaraan taageerada ay xisbiga u hayaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso