Shacabka reer Sanaag oo Wacdaro Layaable ka Muujiyey Isu soo Baxyada Ololaha Xisbiga KULMIYE

Ceerigaabo(ToggaHerer)-Shacabka ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, ayaa isu soo baxyo ballaadhan oo aan kala hadh lahayn ku muujiyey taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa maanta oo ku beegan maalinta koowaad ee ololaha xisbiga KULMIYE.
Isu soo bax ballaadhan oo ay taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Ceerigaabo saaka ku muujiyeen taageerada ay KULMIYE u hayaan iyo sida ay ugu heellan yihiin, ayaa waxa kala qaybgalay madaxda gobolka u qaabilsan xukuumadda iyo xisbiga, guddida gobolka ee ololaha KULMIYE, xildhibaanno, wasiirro, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo gobolka kamid ah, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadiyey sida habsamida leh ee ay taageerayaasha KULMIYE isu abaabuleen, laguna dhiirrigeliyey inay u diyaar garoobaan maalinta codaynta.
Xubno kamid ah guddida ololaha ee gobolka, ayaa hadallo quluubta shacabka taabtay u jeediyey kumanaan shacab ah oo taageerada KULMIYE ku weyn tahay, isla markaana jidhkooda kusoo sharraxay astaanta xisbiga KULMIYE.

Advertisement

Ku Xayeysiiso