Gudaha ka akhri: Hogaamiyahii Daacish Asiya Oo Lagu Dilay Dagaal ka Dhacay koonfurta Philippine

Wasiirka difaaca Philippine ayaa sheegay Dhimashada mid ka mid ah ragga ugu caansan dunida oo dhan ahaana hoggaamiyaha ururka Daacish Asia iyo Southeast Asia waxaana lagu dilay dagaal ka Dhacay koonfurta Philippine gaar ahaan magaalada Marawi.

“Ciidamadeena waxay awoodeen inay dilaan Isinilon Habilon taliyahii Aasiya iyo Koonfur Bari Asia iyo hoggaamiye kale Cumar Mauthi labadaba waa la dilay,” ayuu yidhi Delphine Lorenzana oo warfidiyeenka la hadlay.

Lorenzana waxa uu sheegay in ciidamada ammaanku ay sidoo kale badbaadiyeen 17 la haystayaal oo ay ku jiraan ilmo iyo haweenay goobtii dagaalka lagu dilay Hapilon.

Wasiirka ayaa tilmaamay in joojinta hawlgalka magaalada Marawi lagu dhawaaqi doono laba maalmood gudahood.

Habilon iyo Mouti waxay weerar ku qaadeen Magaalada Marawi 23-kii March.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso