Gudaha Ka Eeg: Carmashii cadaanka ahayd Oo Wiilkeedii Bartay Sida Wax Loo Gawraco!

Warbaahinta Ingiriiska ayaa soo warisay in Sally Jones oo loo yaqaanay carmasha cadaanka ah ay wiilkeeda Joe Dickson oo 12-jir bartay sida madaxa looga jaro dadka iyada oo ku baraysa Riyaha.

Wargeyska “The Sun” ayaa sheegay in Jones ka dib markii ay ku biirtay ururka “Daacish” ayaa wiilkeeda bartay sida Kurka loo jaro iyada oo ku baraysa Riyo.

Wargeyska ayaa ka soo xigtay ilo xogogaal ah oo sheegaya in wiilka carmasha cadaanka ah looga yaqaan Daacish gudaheeda magaca Hamza Hussein laguna suntay shakhsiyad xoog leh waxaana si weyn looga dhex qadariyaa Dagaalyahanada iyo asxaabtiisa gudahooda.

Ilmahan ayaa muuqaal fiidiyoow ururka Daacish ah ka soo muuqday intii lagu jiray dil markii uu madaxa ka toogtay maxbuus.

Haweenayda Carmasha Cadayd ee Reer Ingiriis iyo wiilkeeda ayaa lagu dilay weerar diyaaradeed ay ku qaadeen diyaarad Maraykan ahi bishii June ee la soo dhaafay iyaga oo isku dayayay inay ka cararaan magaalada Raqqa ee ay go`doomiyeen Ciidamo Kurdi ahi.

Ka hor geerideeda Jones ayaa madax ka ahayd garabka haweenka ee kooxda Anwar al-cuqali kaas oo diyaariya weerarro argagixiso oo ka dhaca wadamada reer galbeedka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso