Hogaamiye ka tirsan koonfurta Yemen Waxaan qaban doonaa afti Gooni Isutaag si deg deg ah

Guddoomiyihii hore ee Cadan Caydaros al-Zubaydi horena ugu dhawaaqay In Gooni Ay Koonfyrta Yemen iskaga Taagto Yemen Inteeda kale ayaa sheegay in afti lagu dhawaaqi doono dhawaan.

Zubaydi wuxuu ahaa guddoomiyihii Cadan Intii aanu xilka ka qaadin madaxweyne Abed Rabbo Mansour Hadi dhammaadkii April.

Al-Zubaydi ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu la yeeshay telefishinka Al-Qad al-Mashreq habeenkii xalay ahaa Kaas oo sheegay in uu soo saari doono War Muhiim ah Sabtida inta lagu gudajiro dibad-bax uu ugu yeedhay Golaha Kumeel Gaadhka ee reer Koonfureedka ee uu hogaamiyo.

Xukuumadda Hadi waxay ka soo horjeedsatay Golaha Kumeel gaadhka Koonfureed isaga oo sheegay in ay sii xoojinayso farqiga iyo danaha Houthis.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso