Sanadda 2100 Saddex daloolow dalool Dadka adduunku Waxay Noqon Doonaan Qaarada Afrika!!

Warbixinno gaar ah ayaa muujinaya in qaarada Afrika ay tirada dadkeedu kor u kici doonto saddex meelood meel dadka dunida ku noolina ku noolaan doonaan Dhulkeeda Sanadda 2100.

Dadweynaha Afrika ayaa si dhaqso ah u koraya iyadoo tirada dadka ay kordheen 140 milyan 1900 illaa 1 bilyan sanadkii 2010 Business Insider ayaa sidaas sheegtay.

Sida laga soo xigtay saadaasha Qaramada Midoobay dadka Afrika waxay noqon doonaan 2.5 bilyan 2050 waxana ay ka badnaan doonaan 4 bilyan sanadda 2100.

Maanta lix-meelood meel dadka adduunku waxay ku nool yihiin Afrika saddex meelood meel dadka adduunka ayaa la filayaa inay ku noolaadaan qaybta hore ee qarniga soo socda.

Sababta ugu weyn ee korodhkaasi waa kor u kaca tirada dhalmada marka la barbardhigo geerida 4 ilaa 1, dumarka Afrika waxay leeyihiin 4.5 qiyaasta celceliska, tirada sare ee marka la barbardhigo qiyaasta dhalashada dalalka kale.

Heerka dhalmada ee hooyooyinka ku nool dalalka kale waa 2,1 oo Asia ah, 2 ku yaalla Latin America, 1.9 ee Waqooyiga Ameerika iyo 1.6 ee Yurub.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso