Daadad Ku Dhuftay Vietnam khasaraha ilaa hadda Dhimashada 54 qof


Daadad iyo dhoobo ayaa waqooyiga iyo badhtamaha Vietnam ku dilay 54 qof waana mid ka mid ah masiibooyinka cimilo ee Vietnam muddo sanado ah ka dhacda.

Samatabbixiyayaashu wali waxay raadinayaan 39 oo la layahay roobabkii duufaannada ee dhowr gobol ka dhacay toddobaadkan waxaana laga digayaa duufaan weyn oo ku soo socota dalka.

Khasaraha toddobaadkan dhacay ayaa ah burbur kumanaan kun oo guri waxa kale oo burbur ku yimid dhul balaadhan oo beeralay ah deeganada ku yaalla Hanoi.

Gobolka Huan Binh (waqooyi) ayaa waxaa soo gaadhay khasaare culus waxaana ku xigay gobolka Thanh Hoa (badhtamaha) sida ay sheegeen mas’uuliyiin maareynta musiibooyinka.

Kumanaan bilays iyo askar ayaa loo diray si ay gacan uga geystaan dadaallada samatabbixinta xoojiyaan biyo-xidheenada una qaybiyaan cunto.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso