Gudaha Ka Eeg :Ra’iisul Wasaaraha Somalia Oo Magacaabay Guddiga Dib-U-Habeynta Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaradaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddiga dib-u-habeynta Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Guddigan ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare k/xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxana ay isugu jiraan shan (5) Wasiir iyo shan (5) xubnood oo ka imaanaya ururrada bulshada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay si loo dhaqan geliyo qorshaha isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta ee dawladda ay ka go’an tahay si caddaalad ah oo siman in dadka Soomaaliyeed ay ku helaan shaqooyinka, qof walbana lagu qiimeeyo aqoonta uu u-leeyahay shaqada loo dhiibayo.

“Sidii aan horey ugu balan qaadnay shacabka Soomaaliyeed, waxaan maanta halkan ku soo bandhignay guddiga dib-u-habeynta Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka. qof walba oo kamid noqonaya tartamayaasha waxaa lagu xulan doonaa aqoontiisa “.Ayuu yiri R/Wasaare Khayre oo intaasi raaciyey in dadka xilalka lagu aaminayo ay noqdaan kuwo wax ka beddali kara sida ay haatan hawsha u socoto.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusuusiyey guddiga in agaasimeyaasha guud ee wasaaraduhu ay yihiin kuwii dhisi lahaa qaranka, xukuumadduna ay go’aan ku gaartay in tartanka loo galayo. Iyadoo mashruucan uu fursad u siinayo shacabka Soomaaliyeed in dawladdooda ay kula xisaabtamaan shaqada ay u hayso iyo dadkii ku habboonaa iney shaqada wadaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso