Gudaha Ka Eeg :Dugsiga-Sare Ee Balli-Mataan Oo La Furay Iyo Xaflad Balaadhan Oo Loo Qabtay + Sawiro

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Degmada Bali-mataan oo ka tirsan Gobolka Maroodi Jeex, Munaasibadan oo ay ka qayab galeen Wasiiru dawlaha Biyaha, Wasiiru Dawlaha Ganacsiga, Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada Agaasimayaasha Guud ee Duulisyta iyo Ciyaaraha Suulaadiin Garaado Cuqaal Aqoonyahan, Masuuliyiin iyo Dadwene aad u tiro badan iyo sidoo kale Ardayda lagu furaayey dugsigaasi, ayaa ujeedkeedu daarnaa Xadhig ka jarida Dugsiga Sare ee Degmada Bal Mataan.

Masuuliyiintan ka qayab gashay munaasibadaas ayaa gudiga haruumarinta Degmadaas iyi Wasaarada Waxbarashada ku amaanay doorka ay ka qaaten suuro galinta Dugsiga Sare ee markii ugu horaysay ay yeelato Degmada Bali-mataan.

Degmada Balli-Mataan ayaa ah Degmo Cusub oo dhawaan madaxweynuhu magacaabay, iyadoo horumarka ka socda degmadaasi uu yahay mid xawaare0-sare ku socda, iyadoo sheekh Khadar Aw Xirsi uu yahay shakhsi ku suntan horumarka ka socda Degmada Balli-mataan .

 

Hoos Ka Daawo Muuqaalka .

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso