Ingiriiska: Dembiyada nacaybka ee loo Geysanayo Masaajida oo labanlaabamay!!!

Bilayska Ingiriiska ayaa sheegay in tirakoobka tirada dambiyada nacaybka ee lagu beegsanayo masaajidada sannadka 2017 marka la barbardhigo sannadkii hore ay sare u kacday,sida ay qortay jariidadda Independent.

Qiyaastii 110 dembiyo nacayb ah ayaa la diiwaan geliyey oo loo geystay goobaha Muslimiinta ee cibaadada intii u dhaxaysay March iyo July sanadkan iyada oo 47 dambi oo nacayb ah la diiwaangeliyey isla muddadaa 2016.

“Weerarrada iyo falalka kharribaadda masaajidda iyo hanjabaadda isticmaalka bamamka lala beegsaday waxay ahaayeen noocyada ugu caansan ee dembiyada nacaybka ah ee la arkay,” Independent ayaa soo xigtay Ururka Saxaafadda Ingiriiska.

Bilayska ayaa sheegay in magaalada Manchester ay kor u kacday tirada ugu badan ee dambiyada nacaybka ah ee ka dhanka ah masaajidada ka dib weerarkii argagixisanimada ee ‘Manchester Arena’ bishii May, oo ay geysteen ururka “Daacish” kuna dhinteen in ka badan 20 qof.

Mashruuca “Tale Mama” oo ah NGO la socdo diiwaangeliyana weerarrada ka dhanka ah Muslimiinta ee Ingiriiska ayaa diiwaan geliyay 141 xaaladood oo weerar ah oo ka dhan ah muslimiinta ka dib weerarkii “Manchester”.

3 milyan oo Muslimiin ah ayaa ku nool Boqortooyada Ingiriiska iyadoo guud ahaana tirada dalka lagu qiyaaso 65 milyan oo qof.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso