Garsoore Iran ah ayaa ku xukumay Xabsi shan sanno ah Xubin ka tirsan Kooxda Nukliyeerka kuna eedeysana in u Basaasayay Wadamo Reer Galbeed ah.
Afhayeenka Garsoorka Iran Ghulam Mohseni ayaa sheegay in xubin ka tirsan kooxda nukliyeerka la xidhay Abdul Rasul Dari Asfahani uu lahaana laba dhalasho Iran iyo Canadian isagoo intaa ku daray in ruuxan lagu eedeeyay inuu xidhiidh la lahaa laba hay’adood oo basaanimo ah Waxaana lagu xukumay shan sano oo xadhig ah.
Mohseni ayaa sheegay in eedaysanahu uu lahaa faylal musuqmaasuq maaliyadeed laakiin eedeeymaha ayaan wali la soo saarin isagoo sharraxay eedeymaha ka dhanka ah garsoorka ee Iran iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiintii sida been cad.
Xadhigga eedaysanaha ayaa lagu dhawaaqay bishii Agoosto ee sanadkii hore iyada oo la tixraacayo asalka kiiska Bishii May ayaana lagu xukumay shan sano oo xadhig ah taasoo la xaqiijiyay Maanta.
Warqabadka ToggaHerer