Gudaha Ka Eeg :Qaar Ka Mid Ah Saxaafada Madaxabanaan Iyo Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Waddani Oo Kulmay .

Qaar ka mid ah Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland iyo Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa Kulan ku yeeshay  magaalada Hargeysa.

Kulankan oo su’aalo lagu waydiiyey Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani ayaa waxa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah qaybaha warbaahinta Somaliland oo ay ka mid yihiin Jaraa’idada, Telefishanada, Websiteyada iyo Idaacada VOA-da.

Kulankan oo uu soo qaban qaabiyey Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal ayay saxaafadu su’aalo door ah oo dhinacyo kala duwan taabanayey ay ku waydiiyeen Murashaxa xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro. Waxaanu Musharax Cabdiraxmaan Ciro uu ka jawaabay dhamaan su’aalihii ay waydiiyeen suxufiyiintu, oo daaranaa dhinacyada, dhaqaalaha, sicir bararka, amaanka, ictiraaf raadinta iyo guud ahaan xaaladan wakhtigan gaar ahaana doorashooyinka dalka ku soo foolka leh.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso