Diyaarad Ruush  Su-24 oo ku Burburtay saldhigga Xamimim ee dalka Syria + Shaqaalaheedii oo ku dhintay

Wasaarada Difaaca ruushka ayaa sheegtay in diyaarad nooceedu yahay Su-24 ayaa ku burburtay saldhiga Xamimim ee dalka Suuriya ayna ku dhinteen Duliyayaashi.

Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in diyaaradan “Su 24” ay isku dayaysay inay duusho iyada oo soo fulinaysay Hawlgal Dagaal ka dibna ay ku burburtay garoonka diyaaradaha  iyagoo sheegay in shaqaaluhu aysan awoodin inay ka boodaan diyaarada.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in sababta keentay shilku ay noqon karto cilad farsamo oo ka dhacday diyaaradda waxana uu tilmaamay in dhacdadaasi aysan horseedin wax burbur ah oo ka dhacay dhulka.

 

Diyaaradaha Ruushku sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca waxay si maalinle ah u fuliyaan Duqyamo ilaa 150 ah  maalintii  goobaha ay joogaan Jabhaduhu hubaysan oo ku yaala gobolka Mayadein ee Deir al-Zour Suuriya.

Diyaarada Su-24 ayaa ah diyaarad Xambaarta Sawaariikh iyo Bambooyin waana mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee ugu caansan  diyaaradaha Ruushka Shaqaalaheeduna waxa uu ka kooban yahay laba qof

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso