Suudaan: Darfur oo Lagu Afduubtay  Muwaadin Swiss ah 

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Switzerland ayaa Axaddii xaqiijisay afduubka muwaadin reer Swiss ah  gobolka Darfur  galbeedka Sudan.

“Wasaarada arimaha dibada waxa ay ogaatay in afduubka muwaadin Swisska ah ee Suudaan (Darfur)  wakiilladeenuna waxay xidhiidh la wadaan Masuuliyiinta maxalliga ah baadhitaan ayaana socda,” ayuu yidhi afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee dalkaasi Georg Farago.

Switzerland ayaa dalbatay in si deg deg ah oo shuruud la’aan loo siidaayo muwaadinka la afduubay.

Sida laga soo xigtay Swiss SDA haweeneydan ayaa muddo dheer ka shaqeyneysay hay’adaha gargaarka ee ka hawlgala Sudan.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso